Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan waxay duubis ku wadaan Filimka Coolie No.1 dib u sameyntiisa magaalada Mumbai ayeena jadwalkiisa labaad hader ku duubayaan xidigahan waana mashruuc si weyn loo hadal hayo bartamaha 2020-kana la daawan doono.

Sawiro ayaa laga soo qabtaa iyagoo duubista ku.guda jiraan sido kale waa xidigo durba is fahmeen waxayna Sara ku tilmaamtay Varun nin waalan oo kaftan badan sheekadiisana dadka xiiso dhaceynin.

Sara Ali Khan REVEALS Varun Dhawan is a crazy person as she opens up on working with him in Coolie No 1

Iyadoo saxaafad goobta ugu tageen wareysi siineysa sido kalena amaaneysa Varun waxay tiri,”Waa qof kaftan badan oo waalan waaba wax kale kaftankiisa sheekadiisa lagama xiiso dhacaayo run ahaanti aniga madadaalo waan ka dhargay inta aan duubaayo Filimkaan.”

“Mida kale Varun wax badan ayaan ka faaiday oo qibrad qaab jiliin ah midaasna wuu ku mahadsan yahay nasiib ayaa leeyahay hadaan la shaqeynaayo shaashadana kala soo muuqanaayo.”

Dib u sameeynta Filimka Coolie No.1 waxaa la daawan doonaa 1 May 2020 waxaana Director ka ah David Dhawan oo sido kale Director ka ahaa qeybtii hore ee Govinda iyo Karisma Kapoor hogaamiyaha ka ahaayen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here