Atiriishada Sara Ali Khan iyadana suaalo ayaa laga weydiiyay kiiska daroogada lagu eedeyay sababto ah waxaan horey u ogeyn in 4-atiriisho caan ah lagu eedeyay isticmaalka daroogada waxayna kala yihiin Deepika Padukone, Shraddha Kapoor, Sara Ali Khan iyo Rakul Preet Singh.

Afartooda mid mar ayaa suaalo la weydiiyay hadii eedeymahaas wax kajiraan oo ay daroogo isticmaaleen waligood xogta oodhameestiran waan soo gudbin doonaa marka aan helno balse aan isla ogaano Sara suaalaha qaar sida ay kaga jawaabtay.

Wararka Hungama kasoo baxayaan waxay sheegayaan in Sara ay qiratay xiriirkii ay Sushant la laheed markee Kedarnath wada duubayeen waxayna sheegtay in markaas kadib ay aad isugu dhowaayeen.

Sara ayaa sheegtay dalxiiskii iyada iyo Sushant ee Thailand u amba baxeen iyo ine halkas waqti wacan kula qaadatay waxay kaloo sheegtay in Sushant daroogo isticmaali jiray xitaa haduu filim duubaayo sido kalena xaflad gurigiisa gaarka ah lagu qabtay in halkaas uu ku isticmaalay ayna aragtay.

Balse waxay sheegtay in iyada nafsad ahaanteeda aysan waligeed daroogo isticmaalin marlwalbana iska ilaalin jirtay wixii kasoo kordha suaalaha Sara lasoco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here