Sara Ali Khan waxay mar walbo sameysaa ka shaqeynta arimaha bulshada had iyo goorna waxay la wadaagtaa bulshada sawirradeeda iyo muuqaalo ay ka soo qaado meelaha ay booqato. Hadana Atariishadan ayaa soo dhigtay barteeda Instagram booqasho ay ku tagtay webiga Ganga Varanasi.



Ganga Varanasi waa webi ee ku cibaadestaan Hindida iyagoona u arka meel Ilaah loogu dhawaado ( Alle ayaan ka magan galnee) Sara waxaa lagu arkay iyadoo ku raaxeysanaya wabigan Ganga oo salaad webiga ku tukanaysa. Sara waxay u muuqatay mid ku faraxsan arintaana balse si weyn ayee ula yaaben qosyka Saif Ali Khan maadama ee ka soo jeedo qoys Muslim ah.

Sara ayaa tiyaatarada ka soo muuqatay Filimkeeda ugu dambeeyay ‘Love Aaj’ Waxayna hadda sugeysaa filimkeeda cusub ee Coolie No. 1′ oo ay la jileyso Varun Dhawan oo Director ka ah David Dhawan, filimkaan oo ah mid shactaro ayaa soo bixi doonno 1-da Maarsk.

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here