! Sara Ali Khan waxay ku mashquulsantahay duubista Filimkeeda xiga ee Coolie No.1 kaaso Varun Dhawan la jilaayo waxaana la daawan doonaa qeybta hore 2020 waana mashruucan Govinda iyo Karisma Kapoor 90-kii sameyeen oo dib loo sameynaayo asigoo casri ah.

Sara waa ardayad ka diiwaan gashan jaamacad ku taalo Colombia halkaas ayeena wax kasoo baratay iyadoo ka hadleysa kartida ay ka dhaxay marka reerkeeda ay ka fogaatay dibadana waxbarasho u aaday waxay tiri.

“Wax badan ayaan ka faaiday nolosha ayaan kaligey wax ka bartay ad adkaan ayaan ka helay dadka iima aqoonsaneen inaan ahay Saif iyo Amrita gabadhooda anigana iskuma shaacin jirin run ahaantii marka reerkaada kula joogin noloshana kaliga la dagaalameyso waa wax aad u adag.”

“Walaalkey Ibrahim waxaan marwalba usheega in dibada uu wax ku barto si nolosha banaanka uu ula qabsado kaligiisna noloshiisa u hogaamin karo laakiin war igama maqlaayo hooyo iyo aabo ayuu hoosta kaga jiraa xili walba.”

Xidigtaan waxaa la weydiiyay hadii aysan atiriisho noqon laheen shaqada ay dooran laheed inee qabato waxay tiri,”qareen ama abuukaate ayaan noqon lahaa maadama dooqeyga yahay sido kale hadii kale waxaan noqon lahaa qof siyaasada katirsan oo siyaasiyad ayaan noqon lahaa.”

Sara waxay sheegtay in waqti dheer ka harsaneen xiliga ay siyaasada ku biiri doonto waaba gabar siyaasada aad u jecel iyadoo aad u yarna kursi sare dowlada inee ka hesho rabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here