Sara Ali Khan waxaa lagu yaqaana nolosheeda gaarka ah wax walbo uqarsoon kaamerada horteeda hadii lagu weydiiyo runta ayee sheegtaa waaba atiriisho aad udhiiran dadka wareystaan qaarkood ayaa layaaban jawaabaha ay ka runsheegeyso xili laga filaayey inee dabooli doonto arimo qaar ah.

Love Aaj Kal mar ay xayeysiin u sameyneysay kana qeyb gashay barnaamijka qosolka ah ee Kapik Sharma jilayaasha ku wareysto kulana kaftamo ayee shaaca ka qaaday in hada kahir madaxeeda injir gashay iyi timaheeda.

Kapil Sharma oo dhiblow ah ayaa suaashan adag weydiiyay Sara xili Kartik Aryan uu dhinaceeda fadhiyay waxuu yiri Kapil sida tan,”Sara waliga timahaada maka dhex heshay injir ama madaxaada lafta gudaha” kadib waxaa qoslag Kartik oo dhahay,”hadaa suaashi larabay la heshay.”

Sara oo dhiiran waxay tiri,”Haa waan isku arkay waliba xiligii aan iskuulka dhigan jiray mar anoo timaha shanleysanaayo ayaa isku arkay marna gabar ayaa iga baar-baartay wax cusubna ma ahan dadka badankooda ayaa isku arki karaan laakiin waa intii aan iskuulka dhiganaayey tiro 2-jeer ah.”

Kapil oo qoslaayo ayaa yiri,”waxaan filaayey inaa maya idhaheyso laakin waadba dhiirantahay si run ayaadna oga dhabeysay kajawaabista suaashan” Sara ayaa ku jawaabtay”marnaba nolosheyda inaan ka been sheego marabai ma ahi gabdhaha is qariyaan waana ka jawaaba wax walbo nolosheyda xaqiiq ka ah.”

Sara waxyaabaha aysan qarinin waxaa kamid ah inee jeceshahay Kartik ayna rabi lahed inee shukaansato waliba lambarkiisa ayee codsatay sanadkii 2018 markee Simmba xayeysiineysay sido kale dhowaan waxay sheegtay inee nin oday ah tukaanle ah macmacaan ka cuntay kana carartay ayadoon lacagtiisa siinin gabadhaan Saif iyo Amrita dhaleen maxay kaloo soo wadaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here