Maalintii shalay ahed Bollywoodka arin xiiso leh ayaa ka dhacday jilaaga caanka ah Kartik Aryan ayaa ku dhawaaqay in Sara Ali Khan xaaskiisa tahay xili uu hor joogay qaar kamid ah saxaafada hindiya.

Waxuu ku guda jiraa xayeysiin u sameynta Filimkiisa Pati Patni Aur Woh oo uu hogaamiye ka yahay halka Ananya Panday iyo Bhumi Pednekar ay atiriishooyin ka yihiin waxaana mashruucan tiyaatarada la saari doonaa todobaadkan.

Hadaba mar wareysi laga qaadayey isaga, Bhumi iyo Ananya Filimkoodana ay ka hadlayeen si lama filaan ah waxuu ku yiri “Sara Ali Khan waa Patni-deyda” oo uu ula jeedo waa xaaskeyga maadama ereyga Patni xaas micno ahaan tahay.

Inkastoo hab kaftan uu u dhahay balse waa mid hadal heyn abuurtay tolow maxay Sara ku jawaabi doontaa lamaanahan waa la isku xantaa sids guud inuu xiriir ka dhaxeyo inkastoo mar la sheegay inee kala hareen hadana hader wey soo xoojinayaan xiriirkooda si ay meesha oga saaraan xantii ahed wey kala hareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here