Saif ali khan iyo amrita singh gabadhooda sara ali khan ayaa dhexda waxa ay kaga jirtaa waqti wacan iyo waayo qurux badan

maadaama labadeeda filim ugu horeesay ay sameeso labadooda ay guuleystayn kuwaaso kala ah kadernath uu noqday filim guuleystay halka filimkeeda simmba isagana uu gaaray guul weyn

Atariishadan ayaa dhawaanahan waxa ay ku mashquulsan tahay duubista filimka Iyada iyo Kartik Aryan Ee Love Aajkal 2 kaaso uu Director ka yahay Imtiaz Ali waxaana dhawaan filimkaas laga soo bandhigay sawir u gaar ah iyada iyo aktarka Kartik Aryan waxaana la daawan doona 14 bisha febraayo ee Sanadka 2020

haddaba dhawaan atariishadan waxaa wareysi siisay majalada Mumbai Mirror iyadoo Sara ay ka hadashay arimo badan oo iyada qaas u ah sidoo kale Sara waxaa wax laga weydiiyay sida uu yahay xariirka kala dhaxeeya eedayda atariishada Kareena Kapoor

Sara ayaa shaacisay inay aad u jeceshahay eedayda Kareena Kapoor iyadoo sheegtay kaliya inaysan labadooda saaxiibo ahayn ama xaaska aabaheeda sidoo kale mararka qaar ay u aaminsan tahay inay hooyadayda tahay sidoo kale ay markasta talooyinka ka qaadato

Sara Ali Khan waxaa maalmahan ay ku mashquulsan tahay duubista filimka dib u samaynta Coolie no.1 kaaso ay la wadao aktarka Varun Dhawan waxaana filimkaas la daawan doona bartamaha sanadka dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here