Inaba caadi ma ahan heeska Gallan Kardi waxay abuurtay hadal heyn aan caadi ahayn waxayna ku jirtaa filimka Jawaani Jaaneman oo la daawan doono 31-da bishan Janaayo waxaana mashruucan hogaamiye ka ah Saif Ali Khan.

Haddaba heeska Gallan Kardi waxaa Saif kala soo muuqdeen Alaya F oo gabadhiisa ku jileyso iyo Tabu oo ah hooyada u dhashay gabadhiisa uu gadaal ka ogaanayo Saif inuu aabo u yahay waxaana heeskan hirgalay ku luqeenayaan Jazzy B iyo Jyotica Tangri, halka muusigada ay sameeyeen Prem iyo Hardeep sidoo kalena laxanka waxaa saaray Preet Harpal.

Heeska Gallan Kardi oo baraha bulshada iyo barta Youtube siweyn u qabsatay waxaa meelaha qaar ciwaan looga dhigay “Sara Ali Khan wiilka ay shukaansato Kartik Aaryan waxaa ka shidan aabaheed Saif Ali Khan!” madaama Saif heeskan iyo sida guud filimkan uu si wacan isku diyaariyay jir ahaan iyo labiska uu xiranaayo waxaaba loo maleeyaa wiil 20-jir ah oo uma eko 49-jir!

Fadlan hoos ka daawo heeska Gallan Kardi siweyn dadka usoo jiitay sidoo kalena Sara iyo Kartik xitaa lagu maadeesanaayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here