Gabdhaha India markii ay sheekadu timaado fagaarayaasha quruxda waxay ugu muuqdaan si aad u weyn iyagoona ah wadanka ugu badan ee gabdhihiisa ku guuleysteen quruxda aduunka.
Sanadkii 2000 India wuxuu u ahaa sanad weyn maadaama ay gabdhahooda ku kala guuleysteen Miss World, Miss Universe iyo Miss Asia Pacific.
India Miss World waxaa u tartantay Priyanka Chopra isla markaasna ku guuleysatay, Miss Universe waxaa u tartantay Lara Dutta kuna guuleysatay halka Miss Asia Pacific ay u tartantay Dia Mirza sidoo kalana ku guuleysatay.
Hadaba atariishada Lara Dutta ayaa markii ugu horeysay nala wadaagtay sawir sadaxdooda kulminaayo halkan hoose ka arag.