Dhowaan ayee aheed markii uu u dabaal dagaayey sanad guuradiisa dhalasho sawir qaadaha caanka noqday ee Bryan Adams kaaso 60 jir noqday waana Music yaqaan u dhashay dalka Canada.

Ninkaan Canada kasoo jeedo heeso badan oo uu Music-da isaga u tumay ayaa jiraan ilaa uu mar ka noqday Music yaqaanka dunida loogu iibsasho badan yahay heesaha uu Music-da u sameeyay dadka badankiisase ma ogaan inuu sido kale yahay sawir qaade inaba caadi ahen.

Xidigo caan ah ayuu sawiro ka qaaday waxaana kamid ah xidigahaas atiriishada Priyanka Chopra oo kasoo jeeda dalka India sawiradeeda halista ah ee aadka ushidan qaar badan waxaa ka qaaday Bryan Adams sidaa aawged waxaa la leeyahay maanta sawir qaadahan atiriishadan sawiro xul ah ayuu ku toogtay oo loola jeedo si wanaagsan ayuu sawiro shidan oga qaaday.

Markii ay Hollywoodka cagaha dhigeysay ayee ninkaan isla kulmeen sawiro ay Magazine u sameyneysay ayuu ka qaaday iyo kuwa howlo Fashion ahba wada shaqeyn wacan ayaana dhexmartay mana la tirin karo sawirada Selfie-ga ay isla galeen 60 jirkaan iyo 37 jirtaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here