Home » Nolosha Jilaayaasha » Sawir Xasuus Ah: Gauri Khan Oo Is Ilaawday Dadk Dhexdoodana Hab Kusiisay Seygeeda SRK Hada Kahor Farxad Darted!!

Sawir Xasuus Ah: Gauri Khan Oo Is Ilaawday Dadk Dhexdoodana Hab Kusiisay Seygeeda SRK Hada Kahor Farxad Darted!!

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waa mid kamid ah atoorayaasha loogu jecelyahay caalamka oodhan sido kalena kamid ah xidigaha ugu waaweyn maqaam ahaan dalka India.

Shah Rukh Khan waxuu sanadkii 1991 guursaday Gauri Khan oo u heysa sedex caruur ah kuwaaso kala ah Aryan Khan, Suhana Khan iyo Abram Khan.

Lamanahan kudhowaad 30 sano jaceylka ka dhaxeya waa kuwa kamid ah taariikh ahaan lamaanayaasha ugu caansan Bollywoodka ayado lawada ogyahay marxaladihii uu jaceylkooda soo maray.

Hadaba mid kamid ah taagerayaasha SRK ayaa maanta sawir xasuus mudan baraha bulshada soo dhigay waana sawir ay Gauri Khan hab siineyso seygeeda SRK xili goob xaflad ah la wada joogo.

Waa sanadkii 1994 goobtana waa xaflada Filmfare Awards SRK waxuu kujiray liiska tartamaayasha abaal marinta qeyb atooraha ugu wanaagsan u tartamaayen waliab Filmkiisa Baazigar ayuu ugu tartamaayey sanadkaasn.

Si lama filaan ah ayaa SRK loogu yeeray maadama uu ku guulestay bilada isaga sido kalena waxay ahed markii ugu horeysay oo uu biladan ku guulesto farxad uma dhineen xidigan xiligaas balse isaga waxaa ka farxad badneyd xaaskisa Gauri Khan oo intey is hilmaamtay seygeeda isku duubtay misane hab ay siisay dhunkashana ugu dartay.

Gauri farxad uma dhineen maadama uu Seygeeda SRK la gudoonsinayey abaal marinta qaaliga ee Filmfare Award qeybta atooraha ugu wanaagsan markii ugu horeysay waana sawir xasuus mudan 24 sano kahorna ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *