Saif Ali khan iyo Amrita singh gabadhooda sara alia khan waxa ay si dhaksi leh ku noqotay atariisho caan ah taaso caga dhigatay fanka bollywoodka

laakiin atariishadan xilli walba waxa ay shaacisaa in xiligii ay yarayd inay dhibaato ku qabtay cayilka jirkeeda laakiin hadda ay ka mid tahay atariishooyinka ugu soo jiidashada badan gudaha bollywoodka

Sara Ali khan waa gabar nasiib badan maadaama aysan dhibaato ku noqonin kala taga labadeeda waalid kuwaaso kala ah saif ali khan iyo hooyadeeda Amrita singh kuwaaso kala tagayn sanadkii 2004

 ka dib Saif Ali Khan waxa uu sanadkii 2012 uu guursaday atariishada kareena kapoor halka Sara alia khan oo xiligaas hooyadeeda la noolayd ay kasoo qayb-gashay arooska aabaheeda si ay ula qayb-sato farxda arooskiisa

waxaana Sara wajigeeda laga dareemi kara farxad iyo dhoola-cadeyn iyada waxa ay xilli walba jeceshahay inay nolosha la qaybsato labadeeda waalid Sara Alia Khan waxaa la dhashay wiil lagu magacaabo Ibraahim Ali Khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here