Home » Nolosha Jilaayaasha » Sawirada Gudaha: Karan Johar Xaflad Diwali Heer Sare Ah Ayuu Gurigiisa Ku Dhigtay Iyo Xidigaha Kasoo Qeyb Galeen!!

Sawirada Gudaha: Karan Johar Xaflad Diwali Heer Sare Ah Ayuu Gurigiisa Ku Dhigtay Iyo Xidigaha Kasoo Qeyb Galeen!!

 

Waxaa lagu jiraa todobaadkii feestada Diwali-ga India looga dabaal dagaayey sidaa aawged Bollywoodka marba jilaa ayaa xaflad dhigaayo oo laga qeyb galaayo markaana waa Filmsameye Karan Johar.

Karan Johar ayaa feestada Diwali-ga u dabaal dagay xalay jilayaaasha Bollywoodkana aqalkiisaa isugu yeeray balse dad kooban ayaa xafladan xalay ka qeyb galeen maadama dadka aad ukala mashquulsan yihiin.

Sonakshi Sinha, Varun Dhawan, Kareena Kapoor, Sidharth Malhotra, Kriti Sanon, Shradda Kapoor, Arbaaz Khan iyo saaxiibtiisa, Bhushan Kumar, Sonu Sood iyo jilayaal kale ayaa ka qeyb galeen oo guriga Karan Johar booqdeen si ay feestada Diwali-ga ula dabaal dagaan.

Waxaan horey idiin kula wadagnay Shah Rukh Khan, Shilpa Shetty iyo Ekta Kapoor inee xafladan Diwali-ga ah qabteen oo xidigo badana kasoo qeyb galeen markaana waa Karan Johar.

Karan ayaa  waxay xafladan ku dhigay xalay gurigiisa qaaska ah ee magaalka Mumbai ku yaalo hadaba xidigahan sawiro xiiso leh ayaa laga soo qabtay xili ay sii galayeen aqalka Filmsameye Johar.

Halkaan hoose kaga bogo sawirada feestada Diwali-ga xidigahan ay galeen kuwaaso xalay laga soo qabtay maadama jilaa walba markiisa aqalkiisa ku dabaal dagaayo sawiro xiiso leh.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *