Home » Nolosha Jilaayaasha » Sawirada Kowaad: Arooska Anushka Sharma iyo Virat Kohli Waxbaa Meesha Ka Dhacay

Sawirada Kowaad: Arooska Anushka Sharma iyo Virat Kohli Waxbaa Meesha Ka Dhacay

Bollywood iyo Cricket makala haraan markaana qoys ayay dhisteen madaama atirishada Anushka Sharma ay si rasmi ah u guursatay kabtanka xulka Hindiya cayaarta Cricket-ka Virat Kohli.

Mudo sedex sano ah ayay jaceyl wada jilayeen Virat iyo Anushka balse hada si rasmi ah lamaane ayay u noqdeen wuxuuna arooskooda ka dhacay dalka Talyaaniga.

Anushka Sharma and Virat Kohli look royal in their traditional outfits in the first photos from their wedding in Italy!-02

Waxaa haatan baraha bulshada heestaan sawirada kowaad ee laga soo bandhigay arooska Anushka Sharma iyo Virat Kohli waana labo taageerayaal aad u fara badan caalamka ku leh.

Anusha iyo Virat aroos dad badan aan lagu casuumin oo labada qoys kaliya kasoo qayb galeen ayay ku dhigteen xaafada  Borgo Finocchieto ee ka tirsan magaalada Tuscany.

Anushka Sharma and Virat Kohli look royal in their traditional outfits in the first photos from their wedding in Italy!

Sidoo kale waxaa la sheegay Virat iyo Anusha inay todobo ku gali doonaan Talyaaniga kadibna Mumbai marka ay kusoo laabtaan 22-ka bishan December xaflad heer sare oo saaxiibada Bollywood-ka iyo dadka kale caanka ah lagu casuumi doono.

FIRST PHOTOS Anushka Sharma and Virat Kohli look royal in their traditional outfits in the first photos from their wedding in Italy! -2