Ugu dambeyn waxaa la aasay marxuum Irrfan Khan Allaha qabrigabu waasiciyo danbigiisana Alle ha dhaafo aaska meeydkiisa ayaa isugu imaadeen dad yar oo cayiman.

Gaariga ambalaasta ayaa kasoo bixisay meeydkiisa isbitaalkii uu saaka subaxii ku geeriyoday halkaaso ehelkiisa ay la joogeen waxaana la keenay galabnimadaan xiliga India qubuuraha Versova ee magaalada Mumbai halkaaso ammaankeeda ay si weyn u adkeeyeen ciidanka Police-ka.

Wiilashiisa ayaa ka qeyb galeen tacsida sido kale Director Vishal Bharadwaj ayaa la arkay isagoo goobta yimid qoyskana u tacsiyeeyay sida aad sawirada ka arki kartaan waa isagoo wajiga soo xirtay gacma-gashina ugu jiro.

Jilayaal badan iyo dad caan ah ayaa isugu imaan lahaayen kana qeyb gali lahaayen duuggtiisa balse Coronavirus aawgii dowlada kaliya waxay ogolaatay ehelkiisa, saaxiibaadiis iyo dad yar oo cayiman inee ka qeyb galaan aaska.

Balse dadkii ay shirkada Bollywoodka iyo mida Hollywoodkaba iskala soo shaqeyeen badankood baraha bulshada ayee kaga tacsiyoodeen geerida xidigaan ayagoo muujiyeen sidee oga xunyihiin hoos ka daawo sawirada laga soo bandhigay ilaa iyo hadda.

Irrfan Khan
Irrfan Khan
Irrfan Khan
Irrfan Khan
Irrfan Khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here