Sawirkii baraha bulshada gilgilay ee Hande Ercel oo xijaaban sidoo kalana tusbax wadato.

0
4844

Hande Ercel waa atariishada ugu shacbiyada balaaran Turkiga waqti xaadirkaan la joogo iyadoona barteeda Instagramka kuleh in kabadan 10M oo taageere.

Inkastoo taxanayaashii ugu dambeeyay ay ka guuldareysteen guul wacana aysan gaarin hadana atariishadaan waa mid maqaamkeeda markasta taagan waxayna kaalinta 4aad ka gashay 100ka waji ee ugu quruxda badan aduunka sanadkaan 2019ka.

Hadaba waxaan idiin heynaa maanta sawir atariishadaan oo aad u yar sidoo kalana xijaab xiran iyadoona gacanta ku heysato tusbaxa lagu tasbiixsado waana sawir baraha bulshada maanta si weyn loogu falanqeeyay waxaana inta badan laga hadlaayay sida aysan wali muuqaal ahaan isku badalin iyadoona dhoola cadeyntii lagu yaqaanay wali leh.

Hande Ercel waa muslimad diinta islaamka heysato hadaba halkaan hoose ka arag sawirkaan oo baraha bulshada si weyn  u qabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here