SAWIRO; 20 sano ayay sugeysay asigana mudadaas 3 gabdhood ayuu dhalay balse haatan oo xaaskiisii kala tageen ugu dambeyn jaceylkiisa yaraanta ayuu guursaday.

0
2233

Waa mid kamid ah sheekooyinka ugu qiirada badan sidoo kalana qaab Commedy ah loo dhigay sheekada taxanaha Kuzey Yildizi kaasoo kamid ah taxanayaasha loogu jecelyahay Turkiga waqtigaan.

Kuzey iyo Yildizi yaraantoodiu ayay sxbo ahaayeen balse Kuzey ma uusan jecleyn Yildizi halka Yaldizi ay Kuzay dartiisa wax kasta u sameyn kartay.

Kuzey markii uu ogaaday in Yildizi jeceshahay qoysaskooda usku dari rabaan ayuu tuulada isaga cararayaa wuxuuna u wareegayaa magaalada Stanbull halkaasoo uu gabar kale ku baran doono kadibna is guursan doonaan ayagoona 3 gabdhood isku dhali doonaan.

20 sano kadib Kuzey ayaa tuuladii kusoo laaban dooni kadib markii xaaskiisa qiyaantay asiga iyo gabdhihiisaba, balse wuxuu u imaanaa Yaldizi oo aan wali guursan jaceylka ay u qabtana wali daacad u ah.

Kuzey wuu markaas si kis kis ah u jeclaan doonaa Yildizi balse Yildizi ma aysan cafinin Kuzey iyo siduu u galayba si lamid ah qoyskeeda ma doonayaan xiriir ceynkaas ah.

Kuzey markaan asiga ayaa laga doonayaa sidii uu qalbiga Yaldizi ku kasban lahaa waxaana midaas ka caawin doono sadaxda gabar uu dhalay iyo Yildizi walaalkeed oo asigana yaraantoodii saaxiibo ahaayeen kaasoo lagu magacaabo Safer.

Sidoo kale Safer xaaskiisa Nahida ayadana kaalin lixaad leh ayay ka qaadan doontaa ayagoona ugu dambeyn ku guuleysan doono iney Kuzey iyo Yildizi isku keenaan.

Waa taxane Cajiib ah daqiiqadaha aad daawaneysana aadan afkaaga isku qaban doonin sidaad u qosleysid owgeed.

Halkaan hoose ka arag sawirada guurka Kuzey iyo Yildizi;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here