Home » Nolosha Jilaayaasha » Sawiro: Akshay Kumar Iyo Sonam Kapoor Oo Xayeysiin U Sameynayaan Filmkooda Padman!!

Sawiro: Akshay Kumar Iyo Sonam Kapoor Oo Xayeysiin U Sameynayaan Filmkooda Padman!!

Padman waa filim ku saabsan nolosha ninkii bulshada Hindiya waxa weyn u qabtay Arunachalam Muruganantham kaasi oo tuuladiisa ka  bilaabay kacdoon ku aadan sidii haweenka Hindiya ee miyiga ku nool u heli lahaayeen agab nadiif ah oo xirtaan xiliga dhiiga caadada ku jiraan.

Wuxuuna dhisay warshad soo saarto agab nadiif ah oo qiimo jaba lagu iibsado Hindiya oo dhan ayuuna magaciisa iyo ganacsigiisa ku baahay.

Filmkaan waxaa hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Sonam Kapoor iyo Radhilka Apte oo xaaska Akki ku jileyso waxxana Director ka ah R.Balke halka Twinkle Khanna ay qarash gareye ka tahay waxana la daawan doona 25 bishan Jan.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Sawirada Akshay Kumar iyo Sonam Kapoor Oo Xayeysiin U Sameynayaan Filmkaan Xili Ay Magaalka Ku Sugnaayen: