Waxaa sawiro laga soo qabtay subaxan Alia Bhatt oo deg degsan Airport-gana sii galeysa dabcan waa safar balse aan la ogeen halkee u socotay dhoola cadeynteeda kaliya ayee sawir qaadayaashii kasii sheekeynayaan ilaa hada ileen qosolkaas waa midkii Ranbir Kapoor lagu soo jitay.

Waxaa shalay la hadal hayey kulankii iyada, Kareena Kapoor Khan iyo Karan Johar kuwada qaateen xafladii MAMI ee habeen hore Mumbai lagu qabtay kulankaan waxyaabihii laga sheekestay waxaa ugu hadal heyn badneed arooska Ranbir iyo Alia oo goobta si weyn loogu falan qeeyay.

Ilaa hada dad ayaa wadwadaan oraahdii Kareena ay ku laheed”hadii Alia noqoto dumaashidey (Ranbir ay guursato) waxaan noqon lahaa gabadha dunida ugu farxada badan marwalba.”

Kadib markee ka qeyb gashay xafladaas ayee xidigtaan safar u amba baxday dabcan howl deg deg ah ayaa loogu yeeray ileen waxay ku guda jirta howsha Filimkeeda Sadak 2 oo ay Aabahef Mahesh Bhatt kula midowday Sanjay Dutt iyo Aditya Roy Kapur-na ay wax ka jilayaan.

Dhanka kale markee howsha Sadak 2 dhameeyso waxay duubis ku bilaawi doontaa filimka weyn ee Takht kaaso Karan Johar iska leeyahay sido kalena xidigo waaweyn wada jilayaan sida Kareena Kapoor, Ranveer Singh iyo kuwa kale.

Nolosheeda gaarka ah marka aan usoo noqono Alia waxay sheegtay in aysan dhowaan guursan doonin balse ay xooga saari doonto shaqadeeda Bollywoodka si ay sare ugu qaado awoodeda fanka hindiya hoos ka daawo sawirada laga soo qabtay xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here