Home » Arimaha Bulshada » SAWIRRO: Aroos isku bedelay Tacsi xilli ay geeryoodeen 24 shaqsi (Sidee ayeyse wax u dheceen?)

SAWIRRO: Aroos isku bedelay Tacsi xilli ay geeryoodeen 24 shaqsi (Sidee ayeyse wax u dheceen?)

Ugu yaraan 24 shaqsi ayaa ku dhimatay markii uu darbi kusoo dumay iyadoo lagu jiray xaflad aroos ah oo ka dhacday Waqooyiga India.

Iyadoo arooskaani uu socdo, isla markaana ay goobta joogaan dad badan oo lagu casuumay ayaa waxaa yimid roob dabeyl wata, taasoo keentay inuu soo dumo darbi weyn, dhimashada 24 shaqsi oo arooska lagu casuumay ayaana halkaas ka dhalatay.

26 shaqsi oo kale ayaana ku dhaawacmay goobtaan oo ku taalla magaalada Bharatpur ee gobolka Rajasthan, kooxaha gargaarka fidiya ayaana daaha ka qaaday in 15 shaqsi oo ka mid ah ay dhaawacyadoodu halis yihiin.

Darbiga soo dumay ayaa waxaa dhirikiisa lagu sheegay ku dhowaad 90 Feet ama 27 Mitir, waana derbiga sababta u noqday in xaflad aroos ah ay isku bedesho goob tacsi ah.

Degmada Bharatpur ayaa waxay 200KM ama 124 Miles Koonfur kaga beegan tahay caasimadda Delhi.