Shirkadda teknologiyadda ee Mara Group ayaa waxay soo saartay telefanno loogu magac daray Mara X iyo Mara Z, kuwaasoo istcimaali doona habka softwerka Android ee ay ku shaqeeyaan telefanada caaqilka ah ee haatan dunida laga isticmaalo.
Qiimaha telefoonadaan ayaa kala ah 175,750 Rwandan francs oo u dhiganta ($190; £155) iyo 120,250 Rwandan francs oo u dhiganta ($130;£106).
Agaasimaha guud ee shirkadda Ashish Thakkar ayaa sheegay in teleefoon kasta laga sameeyay 1,000 xabo.
Waxa u sheegay in kharashka warshadda ku baxay uu gaarayo ilaa iyo $ 24 milyan oo dollar ayna awood u leedahay in maalinkiiba ay soo saarto 1,200 oo telefoon.
Madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegay inuu rajeynayo in telefoonadan ay sare u qaadi doonaan isticmaalka telefoonada gacanta ee Smartphone-ka ee Rwanda boqolkiiba 15.
Waxaa jira shirkada kale oo sameeya teleefoonada oo ku yaalla dalalka Masar, Itoobiya iyo Koonfur Afrika, balse qalabka ayay dibadaha ka soo dhoofiyaan.








Isha; Badweyntimes.