Home » Bollywood News » SAWIRRO: Salman Khan iyo Katrina Kaif oo gaar iskula baxay ka dib xafladdii IFFI 2017, Toloow maxay sameeyeen?

SAWIRRO: Salman Khan iyo Katrina Kaif oo gaar iskula baxay ka dib xafladdii IFFI 2017, Toloow maxay sameeyeen?

Salman Khan iyo Katrina Kaif ayaa waxay isku diyaarinayaan filimkooda Tiger Zinda Hai oo soo bixi doona December 22, 2017 waxaana filimkaan agaasimay Ali Abbas Zafar.

Salman iyo Katrina ayaa waxay xalay ka qeybgaleen xafladdii International Film Festival of India weliba si wadajir ah ayey uga qeybgaleen, taasoo ka dhacday Goa.

Si kastaba ha ahaatee, xafladdaani markii ay soo dhammaatay Salman Khan iyo Katrina Kaif ayaa hal gaari isla raacay iyagoo aaday xaflad casho ah oo ay ku casuumtay Smriti Irani.

Salman Khan ayaa markii uu gaariga raacayey la arki karay inuu la sheekeysanayo Smriti Irani. Halkaan hoose ka daawo sawirrada.

Salman iyo Katrina ayaa Isbuucaan barnaamijka Bigg Boss 11 u adeegsan doona soo saarista heesta Dil Diyan Gallan ee filimkooda Tiger Zinda Hai.