Saxaafada marwalba ayee dhibaan xidigaha caanka ah ama hindiya ha ahaadeen ama american ileen saxaafada dantooda ayaa ah muuqaal ama sawiro inee ka qaataan dadka caanka sidaasna ku dhacsadaan bariiskooda dhibka shaqsiyaadka caanka ah heysto ma ahan mid yar.

Sanadkii 2017 Aishwarya Rai wxaa kudhacday arin heer ay nacdo fanka hindiya oodhan misane ay ka qoomameyso iney qeyb ka ahaato Bollywoodka atiriishana noqoto kadib markii saxaafada iyo sawir qaadayaasha ka ilmeysiyeen xidigtaan.

Aish ayaa booqtay isbitaalka caruurta lagi xanaaneeyo gabadheeda Aaradhyana wey la socotay halkaas waxay u aaday in gabadheeda sanadguurada dhalashadeeda kula dabaal dagto caruurtaas.

Balse saxaafada yaa usheegay meeshii ayee soo buux dhaafiyeen qol yar ayuu ahaa oo dadkii deeqi waayey buuq iyo sawaxan ayee fureen saxaafada Aish ayaa markaa la hadashay waxayna tiri oraahdan.

“Fadlan waxaan joognaa goob isbitaal ah ma ahan xaflad iyo meel la isku wareesto ama kaamiro la isaga duubto fadlan ciriir waaye halkaan kaamerads naga dhaafa.”

“Waa codsi kaamerada joojiyay, buuqa joojiya meeshana inoo firaaqeya waqti kooban ayaa halkaan joogeynaa nafis aan dareeno” Aish wey ku cel celisay balse mid hadalkeeda maqlay malahan nin walba kaamiradiisa ayuu la duubtay.

Waxaa la arkay ama kaamerada qabatay Aishwarya Rai oo indhaheeda ilmeynayaan ciil aawgiis ileen wey ciileen hadalkeedana wey maqli waayeen dantoodana wey wateen bal halkaan hoose ka daawo.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here