Seddax gabdhood oo dhallinyaro ah kana soo jeeda dalka Iran ayaa waxay qabsadeen hadal-heynta mareegaha caanka ah ee Facebook, maadaama ay si aad ah isugu egyihiin.

Seddaxdaan gabadhood oo lagu kala magacaabo Nazn, Tnaz iyo Klanaz waa kuwo aan muuqaal ahaan la kala aqoon.

Intaas waxaa sii dheer Nazn, Tnaz iyo Klanaz ayaa waxay xirtaan dhar isku eg waqti walba, sidoo kale isku hab ayey timaha u feedhaan, halka sidoo kale ay isku qaab u marsadaan Make-upka.

Ka dibna seddaxdooda ayaa si wadajir ah sawirro usoo gala oo soo dhiga akoonnadooda gaarka ah ee Facebook – dadka ayaana ku wareera muuqaal ahaan sida ay seddaxdaan gabdhood ee reer Iran ee dhallinyarada ah isugu egyihiin.

Kuna darso Nazn, Tnaz iyo Klanaz waa seddax gabdhood oo mataano ah.

Halkaan hoose ka daawo sawirradooda, adiga ayaaba dhihi doona waxaani ma ahan seddax gabdhood ee waa hal gabar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here