Labada filim soo saare ee Bollywood-ka caan ka ah Karan Johar iyo Dinesh Vijan waxay kulan wada qaateen dhawaan xafladii Filmfare Awrads 2020 kadibna waxay isla meel dhigeen aflaanta ay soo saarayaal ka yihiin xiliga u qorsheesnaa in la daawado ay kala badashaan waqti ahaan haatana arinkaas dhab ayay ka dhigeen.

Karan Johar ayaa baraha bulshada shaaca kaga qaaday filimka Angrezi Medium ee hogaamiyaal ka yihiin Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan daawashadiisa lasoo hormariyay hal todobaad lana daawan doono 13 Maarso 2020 halkii marka hore la daawan doonaa 20 Maarso 2020 waxaana mashruucan soo saare ka ah Dinesh Vijan.

Waxaana xusid mudan markii hore 13-ka Maarso 2020 in la daawan lahaa filimka Karan Johar soo saaraha ka yahay Gunjan Saxena ee Janhvi Kapoor hogaamiye ka tahay balse hadda mashruucan daawashadiisa dib ayaa loo dhigay waxaana la daawan doonaa 24 April 2020.

Sidoo kalena markii hore 24-ka April waxaa la daawan lahaa filimka Roohi Afza oo ay hogaamiyaal ka yihiin Rajkummmar Rao, Janhvi Kapoor iyo Varun Sharma waxaana haatan filimkan lagu dhawaaqay in la daawan doono 5 June 2020.

Sidaa darteed kulankii dhex maray labada soo saare Karan Johar iyo Dinesh Vijan waxaa ka dhashay in sedex filim oo la wada sugaayay taariikhda mid walbo la daawan lahaa midka kale u dhaafay ama taariikhda loo kala badalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here