Madaama xaalada Hindiya faraha ka baxday sidoo kalena la xiray dhamaan tiyaatarada lana diiday isku imaatinka dadka waxaa hubaal ah filimo badan oo waqtigii la daawan lahaa in dib loo dhigaayo weliba si gaar ah fanka Telugu ama Tollywood ee xarun u ah Hyderabad aflaan dhawaan usoo bixi lahaayeen dib ayaa loo dhigay.

Ilaa 31-da bishan Maarso tiyaatarada Hindiya dib looma furi doono balse macquul ah in waqtigaas la furo madaama cabsi badan jirto sidaa darteed filimada 1 April 2020 la daawan lahaa iyo wixii ka dambeeyo dib ayay u dhaceen sida haatan la xaqiijiyay.

2 April waxaa masraxa la saari lahaa filimka Aranya ee Rana Daggubati hogaamiye ka yahay waxayna isku dhici lahaayeen filimka Nishabdham ee Anushka Shetty hogaamiye ka tahay waana labo filim oo waa weyn oo tiyaatarada isku haleeli lahaayeen balse haatan dib ayaa loo dhigay.

Sidoo kale filimka Uppena ee lagu soo caan bixin lahaa wiilka lagu magacaabo Panja Vaishnav Tej walaalana ay yihiin Sai Dharam Tej mashruuciisa la daawan lahaa todobaadka labaad ee bisha April balse haatan dib ayaa loo dhigay waxayna ka dhigan tahay sedex filim oo ganacs wanaagsan sameyn lahaayeen inay haatan masraxa ka baaqdeen.

Waxaa horey loo baajiyay filimka weyn V ee Natural Star Nani iyo Sudheer Babu hogaamiyaal ka yihiin oo la daawan lahaa Jimcadan ama 25-ka Maarso madaama tiyaatarada xiran yihiin sidaa darteed fanka Tollywood sanadkan qasaaro xoog leh waxaa u geestay Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here