Superstar Rishi Kapoor wuxuu geeriyooday 30-kii April 2020 asigoo 67-jir ah wuxuuna geeriyooday xanuunka kansarka oo mudo labo sano ah haayay. Balse ilaa iminka ma aysan soo idlaanin ciwaanada kala duwan ee warbaahinta Hindiya ka qoreyso halyeegan mudada dheer fanka Hindiya kusoo jiray.

Haddaba waxaan idiin heynaa sedex jeer oo ay dhacday in Rishi Kapoor atirishooyin isaga ka weyn da’ahaan inuu shaashada jaceyl kula matalay xiliyo kala duwan:

1. Mera Naam Joker: filimkan Classic ah sanadii 1970 ayaa la daawaday waa filimkii ugu horeeyay Rishi Kapoor kasoo muuqdo asigoo 17-jir ah wuxuuna ku matalaayay door aabihiis Raj Kapoor oo yar wuxuuna jecel u qaadaa macalimadiisa luqada Ingiriiska u dhigto oo ay mataleesay atirishada Simi Garewal.

2. Doosra Aadmi: filimkan wuxu soo baxay sanadii 1977 markaasna Rishi wuxuu jiray 25-sano wuxuuna shaashada jaceyl kula matalay filimkan atirishadii da’ahaan ka weyneed xiligaas kana maqaam sareesay Raakhee Gulzar.

3. Ek Chadar Maili Si: Sanadii 1986 Rishi Kapoor si lama filaan ah wuxuu jaceyl shaashada kula matalay atirishada fanka isaga kaga soo horeesay kana da’weyneed waa Hema Malini waana laga helay bandhigii ay filimkan ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here