Selena Gomes oo quus ka taagab Justin Bieber iyo xidigtaan oo burburisay waxkasta oo ay horay u wadaageen.

0
1156

Selena Gimes iyo Justun Bieber waqti ayay ahaayeen lamaanaha ugu shidan fanaaniinta caalamka ayagoona jaceyl waali ah isku qabay kahor inteysay kala tagin dabayaaqadii 2018dii.

Justin waqti badan kuma qaadan waayo 2 bil kadib markii ay kala hareen ayuuba aroos galay asigoona la aqal galay gabadha Modelka ee Hailey Baldwin waxaadna moodaa in jaceylka dhabta ah uu haayay Selena maadaama ilaa haatan ay heysatay agabkii ay horay u wadaageen Justin.

Maalintii shalay aheyd ayaa fanaanadaan gurigeeda hortiisa lagu arkay gaari xamuul ah waxaana gaariga lagu raray agabkii ay horay u wadaageen Selena iyo Justin.

Agabkaas waxaa kamid ahaa Baaskiil uu Justin hadiyad ahaan usiiyay Selena waxaana toogtaan muuqato in Selena gabi ahaaba iska ilowday Justin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here