Waxaa jimcadiu hore lasii daayay albunka cusub ee fanaanada caalamiga ee Selena Gomez waana albunkeedii ugu horeeyay mudo 4 sano ah kaasoo loo bixiyay magaca Rare.

Selena ayaa albunkaan heesaga ku jiro siweyn ugu weerartay fanaanka reer Canada ahna saaxiibkeed hore ee Justin Bieber waliba waxay weerar ad ku sameysay sadax kamid ah heesaha albunkaas ku jiraan.

Mid kamid ah heesaha Albunkaas waxay kaga hadashay sidii ay doqon u aheyd markii ay wiilkaas kanadiyaanka ah qalbigeeda ku aamintay halka midka kalana ay uga hadashay sidii xumeyd ee uy Justin ku sameeyay kadib markii ay kala hareen 2018dii balse 2 bil gudahooda uuba ku guursaday.

Waxaa xusid mudan in Selena ay sanadkii hore sidoo kale soo saartay heesta shacbiyada weyn heshay ee You los to love me taasoo ay iyadana kaga hadleysay sida Justin Bieber ugu guul dareystay jaceylkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here