Fanaanada caalamiga ee Selena Gomez taasoo xayaysiin balaaran u sameyneyso albunkeeda xiga ee lagu magacaabo Rare ayaa daaha ka qaatay ayadoo magaalada Paris ku sugan xiliga uu soo bixi doono.
Fanaanadaan 27 jirta ah ayaa sidoo kale indhaha sawir qaadayaasha kusoo jiidatay labis aad u shidan xili ay ayadoo dhoola cadeyneso jamaahiirteeda gacanta u haatineyso waxaana goobta looga qaaday sawiro badan oo soo jiidasho leh.
Fanaanadaan oo sidoo kale barteeda Instagramka soo dhigtay muuqaal kooban oo ay uga hadleyso xiliga uu soo bixi doono albunkeeda cusub kaasoo lagu magacaabo Rare waxayna sheegtay in uu soo bixi doono 10kka bishan Jnaayo ee sanadka cusub 2020ka.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo sawirada fanaanadaan laga soo bandhigay.




