Selena Gomez oo ka sheekeysay xiligii ay xanuunsaneyd iyadoona sheegtay iney la kulantay weerar weyn tolow muxuu yahay?

0
1833

Fanaanada Selena Gomez ayaa sheegtay iney la kulantay weerar iyo dhaleeceyn aad u weyn mudadii ay jiraneyd kahor inta aysan soo caafimaadin iyadoona sheegtay in jamaahiirteeda aad usoo weerareen.

Selena ayaa sheegtay in mudadii ay jiraneed uu miisaankeeda kordhay taasoona kaligftay in jamaahiirta muuqaalkeeda cayilan ku mashquulaan isla markaasna weerar ku qaadaan xili iyadana jiro la daalaa dhaceysay.

27 jirtaan ayaa sheegtay in waqtigaas uu weerarkaas ay jamaahiirta kusoo qaadeen saameyn ku yeeshay iyada mudana la murugeysneyd balse haatan ay waxaas dhag jalaq u siinin sidoo kalana qiimo u yeelin.

Selena ayaa tiri; muhiim iima ahan haatan waxa ay dadka iga aaminsanyihiin iyo inaan muuqaalkeyga ku qanciyo”

Selena oo dhawaan soo qaaday hees lamagac baxday Lose u to love me ayay ku durtay jaceylkii uu ku cidleeyay fanaanka Justin Bieber kaasoo markii ay mudo labo bil xiriirkooda burbursanaa horay kala saaxiibay gabar Model ah asigoona bishii hore la aqal galay kahor inta uusan isbuucaan galin isbitaalka dhimirka sabab la xiriirtay heestaan ay Selena soo qaaday sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here