Fanaanada reer Mareykan ee Selena Gomez ayaa markii ugu horeysay tan iyo 2017dii masraxa fuushay kadib markii ay ka qeyb gashay xafladii habeen hore ee American Music Awards.

Xidigtaan oo mudo labo sano ah aan masraxyada marnaba kasoo muuqan ayaa haatan dib ugu soo laabatay saaxada waxaana dhawaan la filanayaa iney soo saarto album cusub oo heeso ah waana mid siweyn loo sugaayo.

Balse kahor inta aysan albunkeeda cusub soo saarin habeen hore waxay ka qeyb gashay xaflada sanadlaha ee abaal marinada lagu bixiyo ee American Music Awards taasoo abaal marinadii ugu muhiimsanaa ay qaadatay fanaanada Taylor Swift oo ay saaxiibo dhow yihiin Selena Gomez.

Hadaba qof u dhaw fanaanadaan ayaa saxaafada u sheegay in Selena ay walwal badan dareentay kahor inta aysan masraxa xaflada fuulin sabab la xiriirto in mudo 2 sano ah masrax aysan fuulin wuxuuna intaas ku daray qofkaan in Selena kahor inta aysan masraxa fuulin ay sameysay tamaariin badan oo cadaadiska nafsadeed looga hortago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here