Fanaanada caalamiga ee Selena Gomez ayaa siweyn u difaacday saaxiibteeda Taylor Swift  kadib markii shirkadii laheyd xuquuqda 6dii album ugu horeysay ee Taylor Swift soo qaaday u diiday in heesahaas dib u qaado gaar ahaan xafladaheeda ka qaado.

Selena Gomes oo 27 jir ah ayaa saaxiib dhow la ah Taylor Swift oo 29 jir ah isla markaasna sanadkaan noqotay gabadha dakhliga ugu badan uu soo galay ayadoo waliba qaar kamdi ah heesaheeda mamnuuc ka yihiin iney qaado.

Selena ayaa tiri; “Qalbiga ayaan culeys ka dareemayaa falkaan aad ku dhaqaaqdeena wuxuu iga dhigayaa mid xanaaqsan waayo idinka aargoosi ayaad u socotaan waana arin foolxumo iyo kutagri fal awood waxaana hubaa in midkastoo idinka mid ah uusan laheyn qalbi uu ku fikiro”.

Ayadoo hadalkeeda sii wadato ayay tiri; waxaad kahor istaagteen fursadeeda iyo iney heesaheeda ku luuqeyso taageerayaasheedana la wadaagto, aniga waxaan Taylor aqaanaa mudo 13 sano ah waana mid kamid ah gabdhaha ugu fiican aduunka uguna xoogan waxaanse ku faraxsanahay in erayadeeda caalamka oo dhan laga maqli karo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here