Serenay Sarikaya iyo Kerem Bursin ma waxay fursad labaad siin rabaan xiriirkoodii burburay ee mudada 3da sano socday?

0
664

Kerem Bursin iyo Serenay Sarikaye waxay mar ahaayeen lamaanaha ugu shidan turkiga ayagoona siweyn akhbaartooda loola socday wuxuuna xiriirkooda socdau in kabadan sadax sano balse aakhirkii way kala hareen.

Kadib markii lamaanahaan kala hareen ayaa waxaa dhacday in Kerem Bursin uu usafro dibada asigoona halkaas fasax mudo bilooyin ku qaatay isla markaasna nasiino ku filan soo helay balse dhawaan ayuu dib ugu soo laabtay gudaha turkiga.

Kadib soo laabashadii Kerem waxaa soo baxday warar sheegaayo in lamaanahaan dib isugu laaban doonaan isla markasna ay doonayaan in xiriirkooda hagaajiyaan arintaasoo saxaafada aad u hadalheysay.

Sheekada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii dhawaan Serenay laweydiiyay hadii iyada iyo Kerem isku soo laabteen misna xiriirkooda hagaajiyeen waxayna Serenay ku jawaabtay kaliya dhoola cadeyn arintaasoo loo fasirtay in hadalheyntaas wax ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here