Seth Rollins oo ugu yeeray CM Punk inuu haduu soo laabashadiisa ka run sheegaayo uu riingaha usoo fuulo isla markaasna asiga la dagaalamo.

0
596

Waxaan dhawaan idinla wadaagnay in feeryahanka caanka ah ee CM Punk lagu wado in dhawaan dib ugu soo laabto feerka WWE asigoona sidoo kale ka qeyb galay barnaamijka WWE Backstage isla markaasna halkaas kaga dhawaaqay inuu dib ugu soo laabtay WWE.

Sidoo kale kadib soo laabashadiisa CM Punk ayaa hanjabaad u diray dhamaan xidigaha iyo maamulka WWE asigoon marnaba kala soocin wuxuuna hanjabaadaas ugu diray fariin uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Balse feeryahanka Seth Rollins ayaa jawaab dag dag ah kasoo bixiyay hadalka CM Punk asigoona sheegay hadii uu wax isku haayo bootada intuu joojiyo uu riingaha soo koro.

Hadaba akhristow sidee u aragtaa soo laabashada CM Punk iyo iney is wajahaan Seth Rollins?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here