Bollywood Queen Kareena Kapoor waxay maanta u dabaal dageysaa sanad guurada dhalashadeeda maanta oo kale 21 Sep 1980 ayee dhalatay waxayna si rasmi ah u jirsatay maanta 39 sano cimri ah waa atiriisho maqaamkii usareeyay fanka hindiya ka gaartay.

Gabadha qarnigaan cusub ugu guulaha badan Bollywoodka ee aan loo dhowaan karin waxaan kasoo diyaarinay maanta macluumaad iyo xaqiiqooyin u gaar ah fadlan hoos ka akhriso munaasabada dhalashadeeda aawged:

Xaqiiqada 1-aad: Kareena markee shaashada hortimaado doorarkeeda inta badan waxay u muuqdaan gabar kibir badan si qaas ah bilaawgii qarnigaan aflaamtii ay sameeysay waxaa loo aqoon jiray kibirley balse nolosha dhabta ah waa qof degen aadna u naxariis badan sido kale miskiin iska ah dabeecad ahaan balse hadii laga xanaajiyo dulqaadkana ka dhamaado waa bas lama celin karo ilaa waxay ku caro goyso ay hesho mooyee.

Kareena-Kapoor

Xaqiiqada 2-aad: Waxaa la ogaaday qaar kamid ah dabeecadaha Bebo sida inee Cidiyaheeda cunto, haa Kareena Ciddiyaheeda maba arki karto waliba waxaa ugu darneed intii ay uurka laheed caadi ayee u cu i jirtay.

Xaqiiqada 3-aad: Bebo waxay guursatay Saif Ali Khan oo hantidiisa lagu sheegay kudhowaad $150M ah balse waa hantida uu fanka ka shaqeystay oo kaliya ee Saif waxuu dhaxal ahaan u heystaa $2 Billion.

Haa, guud ahaan qoyska Saif Ali Khan waxay dhaxal ahaan u heestaan lacag dhan $2 Billion doolarka marekanka ab balse wali ma aysan qeybsan sidaa aawged Kareena iyadoo lacag awal lahed ayee hadana guursatay nin dhaxal ahaan u heesta $2B wax ayeena hantidaas ku leedahay si sharciyan ah waana mid ay dheertahay atiriishooyinka kale.

Xaqiiqada 4-aad: Diinteedu waa Hindu, filimkeeda ugu horeeyay ay kusoo caan baxday waxuu ahaa Refugee oo 2000 la daawaday sido kale akhrinta buugaagta, dabaasha biyaha iyo jimicsiga Yoga ayee ka heshaa xidigtaan.

"<yoastmark

Xaqiiqada 5-aad: 16 Oct 2012 ayee guursatay jilaaga caanka ah Saif Ali Khan waxayn u heysaa wiil lagu magacaabo Taimur Ali Khan kaaso dhashtay 20 Dec 2916.

Xaqiiqada 6-aad: jilayaasha Bollywoodka ay qaab jiliinkooda ka heshay misane taageero weyn ay u noqotay waxay kala yihii Raj Kapoor (Awoowgeed), Shah Rukh Khan, Kajol, Nargis iyo Meena Kumari.

Xaqiiqada 7-aad: Halkii Filim waxay ku sameeysay mushaar dhan 11 Crore markii ugu dambeysay hantideeda la qiyaasay sanadkii 2018 waxaa lagu sheegay inee fanka ka shaqeysatay hanti dhan $60 Million waana mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu daqliga badan waqtigaan.

Xaqiiqada 8-aad: Kareena waligeed waxay jecleed inee sida walaashed Karisma ookale atiriiisho caan ah noqoto marwalba Karisma filim duubeyso Kareena wey u raaci jirtay goobta filimka lagu duubaayo iyadoo yar.

Kareena with Saif Ali Khan

Hada kahor Kareena waxay wareysi ku sheegtay in macalimadeeda fanka ay tahay Walaasheed ka wey Karisma wax badana iyada ay ka baratay maantana waxay noqdeen gabdhaha kaliya ee magaca Kapoor wataan kuwooda ugu maqaamka sareyaan fanka hindiya.

Xaqiiqada 9-aad: Karisma fanka waxay saaxiib dhow ka dhigataya jilayaasha kala ah Karana Johar, Malaika Arora, Amrita Arora, Akshay Kumar, Sonam Kapoor iyo Bobby Deol oo ay saaxiib qaali ah ku tilmaamtay inkastoo ay iskudhaceen bilawgii qarnigaan hadana waa mid kamid ah shaqsiyaadka Bebo saaxiibo qaas ah ka dhigatay.

Kareena with her sister

Xaqiiqada 10-aad: Kareena ciwaano caan ah malahan dhanka baraha bulshada oo wey diiday ine sameysato Pages iyada lagu aqoonsado balse ciwaano aan la garaneynin ayee baraha bulshada kasoo gashaa oo xaalka Bollywoodka halkaas kala socotaa.

Sido kale Whatsapp group ayee kujirtaa Kareena oo ay kula kaftanto xidigo badan sida Malaika, Sonam, Karan Johar iyo ina adeerkeed Ranbir Kapoor halkaas ayaa maalin walba la isku foodeyaa.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here