Inaba caadi ma ahan filimka Dream Girl ayaa 70% sare u kac sameeyay maalintiisa labaad ama Sabtigiisa kowaad wuxuuna keenay 16 Crore qiyaas ahaan sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxayna ka dhigan tahay filimkan mudo 2-maalmood ah inuu 25 Crore kaga talaabay.

Dream Girl maanta oo Sabti ah ayuuba ka dhigtay maalin Axad ah oo kale madaama dadka oo dhan tiyaatarada si xad dhaaf ah usoo aadeen welina wey u harsan tahay maalinta Axada oo maalin nasiino ah hubanti ahaan 20 Crore ayuu ka talaabi doonaa ganacsigiisa Axada.

Waxaa muuqato filimka Dream Girl sedexda maalmood ugu horeyso inuu keeni doono 45 Crore waana ganacsi aad u weyn waayo atoorayaasha waa weyn xitaa badankooda sanadkan aflaantooda lacagahan ma keenin haddii aysan fasax qaran helin sedexda maalmood ugu horeyso.

Dhinaca kale filimka Chhichhore isagana ganacsi aad u weyn ayuu sameeyay Sabtigiisa labaad wuxuuna keeni doonaa 9.50 Crore qiyaas ahaan asigoo 75% sare u kac sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii labaad lacagaha uu keenay.

Filimka Chhichhore mudo 9-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 82.50 Crore qiyaas ahaan waxaana hubani ah in 14-maalmood ugu horeyso darajada 100 Crore ku gaari doono waxaa macquul ah in xitaa darajada 150 Crore gaaro si la yaab leh madaama qaabka uu ku socdo filimkan wax walbo laga filan karo.

Hambalyo ayaan leenaha dhalinyarada tiyaatarada heesato Ayushmann Khurrana iyo Sushant Singh Rajput kamana marno Sharddha Kapoor madaama filimadooda wacdaro aan caadi ahayn dhigayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here