Home » Box Office » Shabakada BOI oo isku xil qaameyso inay soo tabiso filimka Thugs Of Hindustan gobol walbo iskoorada uu ka sameenayo

Shabakada BOI oo isku xil qaameyso inay soo tabiso filimka Thugs Of Hindustan gobol walbo iskoorada uu ka sameenayo

Ganacsiga filimka Thugs Of Hindustan maalinta kowaad sameeyay waa qasab inuu 50 Crore gaaray sidaa darteed inta aysan ganacsigiisa rasmiga ah sal dhigtay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabicin waxay tan iyo xalay gelinka dambe dabagal ku heysaa ganacsiyada waalida ah iyo taarikhiga isugu jiro ee uu filimkan gobol walbo ka sameenayo.

Ganacsi waali ah ayuu TOH ka sameenayaa tiyaatarada Single Screens iyo Multiplex min Waqooyi ilaa Koonfurna lama arag filim Hindi ah ama Bollywood ah oo sidaan kaga gadmo weliba iskoor walbo oo horey maalinta kowaad filim gobolada ka dhigay cagta ayuu mariyay.

 Prem Ratan Dhan Payo oo ahaa filimka Hindiga ah ama Bollywood ah midkiisa lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyay Diwali 2015 wax walbo uu maalintaas sameeyay waa la iska hilmaayay marka TOH lala bar bar dhigo sida hoos ka muuqato gobolada xogahooda haatan nasoo gaareen oo aan isku bar bar dhig ka sameeyay  Prem Ratan Dhan Payo iyo TOH ganacsigoodii maalinta kowaad ee halkaas:

Delhi / UP

Thugs Of Hindustan – 9.75 crore

Prem Ratan Dhan Payo – 7.52 crore

CP Berar

Thugs Of Hindustan – 3 crore

Prem Ratan Dhan Payo – 2.39 crore

West Bengal 

Thugs Of Hindustan – 2.30 crore

Prem Ratan Dhan Payo – 1.52 crore

Nizam / Andhra

Thugs Of Hindustan – 2.90 crore

Prem Ratan Dhan Payo – 2.21 crore

F.G– Ganacsiga filimka Prem Ratan Dhan Payo sameeyay waa mid rasmi ah oo 100% la fariisiyay balse Thugs Of Hindustan waa qiyaasta xili hore ee ma ahan mid rasmi ah waxaana dhici karto ganacsiga filimka TOH marka si rasmi ah loo fariisiyay lacagta sare ku qoran inay ka badato ama ka hoos marto.

Marka aan si gaar ah u fiirin Delhi/UP wuxuu ka sameeyay ganacsiyo taariikhi ah magaalooyinka hoos imaadaan, tusaale ahaan Lucknow oo kale wuxuu ka keenay 62 Lakh bilaabasho taariikhi ah halka Kanpur uu ka keenay 40 Lakh waa iskoor kale. Sidoo kale magaalada Noida oo tiyaatarada Multiplex ku badan shalay wuxuu TOH ka keenay 85 Lakh ilaa 90 Lakh lacag u dhaxeyso waa iskoor cusub madaama halkaas 10-tiyaatar Multiplex ku yaaliin, sidoo kale magaalada Ghazaibad wuxuu ka sameeyay ganacsi taariikhi oo ah 80 Lakh wax u raacsan yihiin.

Dhinacaas iyo gobolka Bihar marka aan aadno ka sheekeyn malahan iskoorada uu TOH halkaas ka sameeyay waayo magaalada Patna wuxuu ka keenay 25 Lakh waa bilaabasho aan horey loo arag asigoo ka talaabsaday iskoor Tiger Zinda Hai oo Patna ka keenay 19 Lakh Axadiisii kowaad ama maalintisii 3-aad ee uu tiyaatarada saarnaa!

Patna waa magaalada ugu weyn ee gobolka Bihar ku taalo taasi oo 15% ilaa 17% ganacsiga gobolka aflaanta ka sameeyaan magaaladan kasoo xareeyaan waxaana muuqato in TOH iskoor walbo oo Hindiya laga sameyn lahaa maalinta kowaad uu sameeyay. Waxaa qasab ah in TOH uu labo laab ka ganacsi badnaado filimka Prem Ratan Dhan Payo marka la is bar bar dhigo gobolka Bihar.

Fadlan kala soco shabakada Filimside sidoo kalena Rukumo si qoraal walbo aan soo dirno Notification ahaan kuugu soo dhaco oo ku saabsan filimka TOH.

Mahad sanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *