Shabakada Box-office-ka India (BOI) ayaa shalay kasoo daabacday maqaal xaalada ka dhex qasan fanka hindiya iyo in Bollywoodka laga rabo inee arinkaan wax ka bedelaan.

BOI waxay tilmaamtay In fanka hindiya dhiiqo iyo wasaq dhexda kaga jiro dadkiina nici rabaan daawashada aflaamtooda balse fursad ayaa jirto ay dhiiqadan kaga bixi karaan ayee tiri shabakadan oo lagu yaqaano inta badan runta.

Hadaba maqaalka ay soo daabaceen isagoo kooban iyo qodobada ugu muhiimsan hoos kaga bogo:

Bollywoodka waxay dhexda ka galeen dhiiqo xun waxayna heestaan fursad ay kaga baxaan arinkaan marka hore isqaraabeysiga doodiisa oo lasoo celiyay ma ahan wax hader Bollywood kucusub waligeed ayuu jiray ceebna ma ahan dambina ma ahan inaad Bollywood ku caawiso qoyskaada iyo saaxiibadaada.

Qof walbo is qaraabeysi Bollywood ku imaado waxaa heerkiisa iyo tayadiisa xukmiyaan daawadayaasha hadii ay ka helaan heer ayuu gaaraa hadii ay diidaana deg deg ayuu jilaagaas Flop ku noqdaa.

Marka aan usoo noqono meesha Bollywoodka naafada ka yahay waqtigaan waa seddex qolo oo xumaan raadisyaal ah kuwa kowaad waa qaar jilayaasha kamid ah oo ka faaideystaan xasarad kacdo tusaale dadba ka faaideysteen geerida Sushant buuq weyna kiciyeen waxaad baraha bulshada ku arkeysaa jilayaal iyaga dhexdooda is heystaan.

Kuwa labaad waa saxaafada oo si weyn u buun buuniyeen geerida Sushant wax run iyo wax beenbana ka qoreen maanta hubka kowaad ee la isku weeraro waxuu noqday baraha bulshada Sushant shalay dad yasi jireen oo qiimo weyn siin jirin ayaad arkeysa maanta iyagoo kaa xiksanayaan.

Corona haduu dhamaado Filimadana soo laabtaan fanka maxaa u xal ah? Waa in sidan wax laga bedelaa dhanka kale qeybta sedexaad ee sharafta Bollywood hoos udhigayaan waa qoloda sheekada Filimada ka faaloodaan balse iyaga marwalba wey ceeboobaan oo daawadayaasha iyagaa xukmiyaan hadba filimkee ka helaan dad loo taliyo ma ahan.

Blockbuster-ka ugu weyn fanka hindiya waa Sholay fagtii horena sheekadiisa waa la dhalilay oo xumaan ayaa laga qoray sido kale 20-sano u dambeysay Gadar ayaa ah Blockbuster-ka ugu weyn Bollywoodka isagana sheekadiisa xumaan ayaa laga qoray ugu dambeyn Houseful 4 oo 2019 la daawaday waxaa laga dhigay fiimkii ugu xumaa abid saas eetahay 9-isbuuc ayuu tiyaatarada saarnaa dhanka Tv-yadana iskoor walba wuu jabiyay.

Marka Filimka xumaan walba oo laga qoro filimka darajadiisa daawadayaasha unbaa xukmin karaan warka murtidiisa waxuu yahay Bollywoodka waa inee wax ka qabtaan sedexdaas koox ee kala duwan koox walbana waxay hoos u dhigayaan sharafta fanka hindiya.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here