Stylish Star Allu Arjun filimkiisa Ala Vaikunthapurramuloo maba hakanaayo wuxuuna horey u noqday All Time Blockbuster haatana shabakada Boxoffice India (BOI) waxay kasoo daabacday maqaal ay kaga hadashay in mashruucan iskoor cusub kusoo kordhiyay fanka Koonfur Hindiya oo idil sidoo kalena Allu Arjun awoodiisa cirka gashay.

Ala Vaikunthapurramuloo wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Koonfur Hindiya sameeyaan kaasi oo hal luqad kaliya lagu daawado oo 200 Crore nadiif ah gudaha Hindiya kasoo xareeyo, taariikh ahaan 5-filim ayaa darajadan kaga horeeyeen ee Koonfur Hindiya sameeyeen laakiin shantaas filim lacagtan waxay kusoo xareeyeen in luqado kala duwan lagu daawaday marka Allu Arjun waa awood cusub oo Koonfur Hindiya haatan BOI ka aqoonsatay.

Filimka Ala Vaikunthapurramuloo wuxuu dhul weynaha Telugu AP/Nizam kasoo xareeyay 173 Crore lacagta nadiifka ah kaliya Bahubali 2 ayaa taariikh ahaan suuqaan kaga ganacsi badan sidoo kalena 27 Crore kale wuxuu kasoo xareeyay dhamaan gobolada kale ee Hindiya weliba suuqa ama gobolka Karnataka ganacsi waali ah ayuu ka sameeyay madaama 19 Crore uu kasoo xareeyay filimkan.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan 6-filim ee Koonfur Hindiya sameeyeen kuwaas oo 200 Crore nadiif ah iyo ka badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali – The Conclusion = 1115.86 crore

2. Bahubali – The Beginning – 418.54 crore

3. 2.0 – 413.30 crore

4. Saaho – 302.31 crore

5. Endhiran – 205.37 crore

6. Ala Vaikunthapurramuloo – 200 cr (mudo 31-maalmood hal luqad kaliya ayaa lagu daawanaa waana luqada Telugu)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here