Sanadkan 2020 shan filim oo wacdaro ka dhigeen TV-yada kadib markii Satellite-ka lagu soo fasaxay ayaa ka mid noqdeen taariikh ahaan 25-ka filim ee fagta kowaad dhanka TV-yada loogu daawasho badan yahay oo ay qoysaska siweyn kaga heleen. Shantaas filim waxay kala yihiin War, Tanhaji – The Unsung Warrior, Baaghi 3, Saaho (qaybta Af Hindi lagu daawaday) iyo Darbar (qaybta Af Hindi lagu daawaday).

Dhamaantooda shantaas filim waxaa u suura gashay in fagta kowaad 10-milyan oo qof ugu yaraan guryaha ku daawadeen kaliya filimka War ayaa u suura gashay in fagta kowaad 20-milyan oo qof guryaha ku daawadeen waxayna filimadan noqdeen Big Hits.

Sidoo kale filimka lagu magacaabo Pati Patni Aur oo sanadki hore la daawaday isagana Tv-yada si wacan ayaa looga soo dhaweeyay madaama fagta 8-milyan oo qofood ka badan ka daawadeen sidoo kalena filimka Street Dancer 3 waxaa u suura gashay 7-milyan oo qofood inay daawadeen waxaana u suura gashay in filimkan guryaha lagu soo dhaweeyo inkastoo tiyaatarka mashruucan ku guul dareestay.

Filimada waa weyn sanadkan 2020 TV-yada laga soo dhaweynin waxaa ka mid ah Dabangg 3, Good Newwz iyo Bala. Dhinaca kale Housefull 4 iyo Total Dhamaal weli wacdaro waali ah ayay dhanka TV-yada ka dhigayaan labadan filim sanadkan 2020 waxay sameeyeen iskooro waali ah.

Fadlan hoos kaga bogo 25-ka filim ee loogu daawasho badan taariikh ahaan dhanka TV-yada fagta kowaad Satellite-ka lagu soo fasaxay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali: The Conclusion – 26-milyan iyo 54,00,000 oo qofood (Sony)

2. Prem Ratan Dhan Payo – 25-milyan iyo 119,00,000 oo qofood (Star)

3. Bajrangi Bhaijaan – 23-milyan iyo 745,000 oo qofood (Star)

4. Housefull 4 – 21-milyan iyo 542,000 oo qofood (Star)

5. War – 21-milyan iyo 2500,000 oo qofood (Star)

6. Bahubali: The Beginning – 20-milyan iyo 777,000 oo qofood (Sony)

7. Dhadak – 18-milyan iyo 316,000 oo qofood (Zee)

8. Total Dhamaal – 16-milyan iyo 793,000 oo qofood (Star)

9. 2.0 (Hindi) – 16-milyan iyo 513,000 oo qofood (Zee)

10. Golmaal Again – 16-milyan iyo 352,000 oo qofood (Star)

11. Dangal – 16-milyan iyo 264,000 oo qofood (Zee)

12. Baaghi 2 – 16-milyan iyo 145,000 oo qofood (Star)

13. Kesari – 15-milyan iyo 666,000 oo qofood (Zee)

14. Judwaa 2 – 15-milyan iyo 266,000 oo qofood (Star)

15. Tanhaji – The Unsung Warrior – 13-milyan iyo 840,000 oo qofood (Star)

16. Tiger Zinda Hai – 13-milyan iyo 704,000 oo qofood (Sony)

17. Baaghi 3 – 12-milyan iyo 906,000 oo qofood (Star)

18. Saaho – 12-milyan iyo 820,000 oo qofood (Zee)

19. Darbar – 12-milyan iyo 731,000 oo qofood (Star)

20. Luka Chuppi – 12-milyan iyo 500,000 oo qofood (Star)

21. Stree – 12-milyan iyo 329,000 oo qofood (Star)

22. Junglee – 11-milyan iyo 177,000 oo qofood (Star)

23. Simbaa – 11-milyan iyo 102,000 oo qofood (Zee)

24. Toilet – Ek Prem Katha – 10-milyan iyo 925,000 oo qofood (Zee)

25. Jolly LLB2 – 10-milyan iyo 851,000 oo qofood (Star)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here