Waxaan shalay idinla wadaagnay filimka Gulabo Sitabo ee Megastar Amitabh Bachchan iyo Ayushmann Khurrana hogaamiyaal ka yihiin in si toos ah Onlie ahaan looga daawan doono barta Amazon Prime Video waxaana waqti ahaan Internet-ka filimkan lagu soo fasixi doonaa 12 June 2020.

Haatan shabakada Boxoffice India (BOI) waxay soo bandhigtay in shirkada Amazon Prime ku iibsatay xuquuqda sii deynta filimka Gulabo Sitabo lacago gaarayo 65 Crore ilaa 70 Crore u dhaxeeyo una dhiganto $8.60m ilaa $9.26m.

Waxay ka dhigan tahay kooxda filimkan iska leh lacag fiican inay gacanta ku dhigeen weliba waxaa loo baneeyay xuquuqda TV-ga inay sii ibsan karaan dhowr bilood kadib markii Amazon uu saarnaado waxayna ku heli karaan lacago kale qiyaas ahaan 10 Crore ($1.32m) ayay xuquuqda Satellite-ka ama TV-ga ka heli doonaan.

Sidaa darteed waxay ka dhigan tahay kooxda filimka Gulabo Sitabo inay dib ugu soo laaban doonto lacago u dhaxeeyaan 75 Crore ilaa 80 Crore ($9.92m – $11.25m) oo ay ka helayaan iibinta xuquuqaha Digital-ka iyo Satellite-ka.

Sida caadiga ah Ayushmann Khurrana filim uu kaligiis hogaamiye ka yahay 30 Crore ($3.96m) ayaa lagu iibsadaa xuquuqdiisa dhanka Digital-ka balse Amitabh Bachchan ayaa filimkan ku jiro oo ku kordhiyay qiimaha mashruucan lagu iibsan karo 5 Crore – 10 Crore ($661k-$1.32m). Sidaa darteed kooxda filimkan iska leh waxay heleen30 Crore ilaa 35 Crore dheeraad ah xuquuqda Digital-ka madaama 65 Crore ilaa 70 Crore inta u dhaxeyso looga iibsaday waxaana ugu wacan in filimkan tiyaatarka ka saarin.

Sida BOI sadaalineyso haddii xaalada caadi ahaan laheyd filimka Gulabo Sitabo wuxuu tiyaatarka ka keeni lahaa 70 Crore ilaa 75 Crore waa haddii sheekadiisa wanaagsan tahay haddii ay heer sare tahayna sheekadiisa 100 Crore ayuu gaari lahaa sidaa darteed kooxda filimkan wax qasaaro ah ma qabaan ee faa’iido ayay qabaan.

Shirkada Amazon Prime waxay leedahay 4-milyan iyo 500,000 oo macaamiil ku nool gudaha Hindiya waana macaamiisha rukunteen adeega Online-ka ah shirkadan bixiso sidaa darteed filimka Gulabo Sitabo ugu badnaan 4-milyan iyo 500,000 oo qof ayaa Digital-ka dhanka Hindiya ka daawan doonto waana tiro ka badnaan doonto inta tiyaatarka ka daawan laheyd waayo filimkan fariintiisa malahan mada daalo dhameestiran waxaana hubaal ahaan tikit u goosan lahaayeen 3-milyan iyo bar ilaa 4-milyan oo qofood oo reer magaalka ah marka dan ayaaba ugu jirto dhan walbo in filimkan si Online ah Internet-ka looga daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here