Filimka Hollywood-ka ee sida weyn looga helay fariin ahaan Tenet ayaa u suura gashay maalintiisa kowaad ganacsi wanaagsan inuu gudaha Hindiya ka sameeyo waana filimkii ugu horeesayo mudo 8-bilood kadib tiyaatarada weyn laga daawado.

Tenet wuxuu keenay maalintiisa kowaad ganacsi u dhaxeeyo 1.10 Crore ilaa 1.20 Crore sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waana bilaabasho wanaagsan marka laga cabir qaato in 90% ganacsiga tiyaatarada dhulka inuu galay oo 8-bilood kadib xaalada caadi kusoo laaban rabto.

Tenet waxaa lagu kalsoon yahay maanta oo Sabti ah iyo Axada in daawadayaasha reer magaalka ah usoo daawasho tagi doonaan gaar ahaan tiyaatarada Multiplex-ka. Balse culeeska jiro waxay tahay filimkan fariintiisa waa mid reer magaalka loogu tala galay ee ma ahan filim dadka dabqada hoose iyo dhexe daawan karaan madaama uusan laheyn mada daalo dhameestiran. Waxaana laga fahmi karaa in maalintiisa kowaad 7,000 oo qof tikit u iibsatay haddii mada dadaaladiisa sareyn laheyd labo laabo ka badan ayaa tikit u iibsan laheyd maalintiisa kowaad.

Shabakada BOI waxay sadaalinee in filimka Tenet 10 Crore cimri ahaantiisa gaari karo haddii sabti iyo axad ganacsigiisa sare u kaco sidoo kalena mashruucan waa mid wadada u furi doono aflaan waa weyn in masraxa lasoo saaro madaama bilaabashadiisa wanaagsan tahay marka wax lagu saleeyo sida xaalka yahay iyo sidoo kale inuu filimkan yahay mid ajinabi ah oo aysan Hindiya sameynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here