Superstar Rishi Kapoor dhaxal lama taabtaan ah ayuu fanka Hindiya kaga tagay wuxuuna shalay geeriyooday asigoo 67-jir ah kadib markii mudo labo sano ah xanuunka kansarka haayay halyeegan oo Mumbai ku geeriyooday ugu dambeyntii.

Haddaba shabakada Boxoffice India (BOI) waxay si rasmi ah usoo daabacday warbixin ay kaga hadleyso awoodii balaarneed ee Rishi Kapoor fanka Hindiya ku lahaa madaama 50-sano ka badan uu Bollywood-ka ku jiray sidoo kalena 25-filim HIT dhameestiran iyo ka badan sameeyay.

Waxay si gaar ah BOI usoo banhigtay 15-filim oo Rishi Kapoor sameeyay kuwaas oo lacagtii shalay ay soo xareeyeen sicirka maanta lacag ahaan 200 Crore ilaa 500 Crore ka badan u dhigmaan dhamaantooda waxay darajo ahaan u dhaxeeyaan Super Hit ilaa All Time Blockbuster:

500 crore iyo ka badan:

1. Bobby (1973)

400 crore iyo ka badan:

2. Coolie (1983)

3. Naseeb (1981)

300 crore iyo ka badan:

4. Amar Akbar Anthony (1977)

5. Laila Majnu (1976)

250 crore iyo ka badan:

7. Hum Kisse Kum Nahin (1977)

8. Prem Rog (1982)

9. Kabhi Kabhie (1976)

10. Sargam (1979)

11. Nagina (1986)

200 crore iyo ka badan:

12. Kaatilon Ke Kaatil (1981)

13. Henna (1991)

14. Chandni (1989)

15. Deewana (1992)

Xogtaan waxay caddeyn u tahay Rishi Kapoor inuu ahaa Superstar awood badan madaama 15-filim uu hogaamiye ka ahaa darajo ahaan super Hit ilaa All Time Blockbuster u dhaxeeyaan lacagta ay soo xareeyeena sicirka maanta 200 Crore ilaa 500 Crore u dhaxeeyaan sidoo kalena guud ahaan waayihiisa fanka Hindiya wuxuu sameeyay 25 filim Hit dhameestiran noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here