Shabakada BOX OFFICE INDIA oo si Rasmi usoo daabacday filimada Blockbusterka noqdeen 2019kii.

0
1505

Shabakada Box Office India (BOI) ayaa Update ku wado natiijadii ay gaareen filimada la daawaday sanadkii hore 2019kii waxaana idinla wadaagnay in filimka Kabir Singh uu ahaa filimkii ugu weynaa sanadkii hore markii loo fiiriyo tirada dadka Tikidka u goosteen kaasoo noqday Super Blockbuster.

Haatana waxaan idinla wadaagi doonaa filimada darajada Blockbuster gaareen waxayna kala yihiin;

Filimka WAR oo ay hogaaminayaan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff ayaa darajada Blockbuster gaaray kadib markii uu soo xareeyay 292.71 crore asigoona faa’iidada ay kooxda cajaladaha ka heleen noqotay 151 crore nadiif ah. waxaana xusid mudan in filimkaan sanadkii hore 2019ka noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Filimka labaad ayaa ah filimka Uri – The Surgical Strike oo uu hogaaminayo jilaaga Vicky Kaushal kaasoo dadweynaha sanadkii hore ka yaabsaday kadib markuu noqday filimka sadaxaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay waxayna BOI haatan si rasmi usoo daabacday inuu Blockbuster yahay.

Filimada sanadkii hore la daawaday ee Blockbuster noqdeen iyo mid walba faa’iidada laga helay;

WAR; 151 crore.

Uri – The Surgical Strike; 101 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here