Shirkadda Bollywoodka ayaa markeeda ugu horeesay sameesay filim jaceyl oo ku saabsan lamaane khaniis ah Filimka oo lagu magacaabo ” Shubh Mangal Zyada Saavdhan” oo loola jeedo “Ka Feejignow Guurka,” ayaa soo baxay 21 Febraayo 2020 waxaana wado actarka Ayushmann Khurrana oo ber yahan dambe laga daba dhacay.

Sheekada Filimka ayaa ah wiil halgan ugu jiro in uu aabihiis ka dhaa dhiciyo in uu la noolaado saaxiibkiis halkii uu ka guursan lahaa gabar isagoona caay iyo takoor kala kulmaayo bulshada.

Khaniisnimadu waxay sharci darro ka ahayd Hindiya illaa marki dambe maxkamadda sare ee qaranka ay fasaxday 2018 .Iyadoo ay taasi jirto wali waxaa si qoto dheer u neceb shacabka India oo takoor iyo jir dil u geesta khaniis yaasha.

Shacabka India ayaa Filimkaan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin oo sumcad darro usoo jiidayo wadanka India wexeena ku codsadeen in aanan la saarin tiyaatarada mar kale.

Ayushmann Khurrana oo si weyn u heestay Bollywoodka misana ahaa mid filimadiisa la wada jeclaa, ayaa haatan u muuqdo qof laga faano isagoona qatar ugu jiro in filimadiisa xitaa ee u gadmi waayan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here