Shactiroolaha Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena TV-yada ama musal salaada kasoo muuqan jiray Mohit Baghel ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu geeriyooday kadib markii uu kasoo kaban waayay dhawaanahan xanuunka kansarka oo haayay sida ay qoyskiisa shaaca ka qaadeen.

Mohit Baghel asigoo 27-jir ah ayuu geeiyooday mana aysan u suura galin qaar ka mid ah jilaayaasha inay qoyskiisa booqdaan oo ay u tacsiyeeyaan madaama Hindiya weli bandow ku jirto waxaana shactiroolahan lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay filimkii Ready ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa wuxuuna ku jilaayay doorka loogu yeerayo Chhote Amar Chaudhary.

Sidoo kale Mohit Baghel aflaanta kale uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah Uvaa, Milan Talkies and Jabariya Jodi iyo filimo kale waxaana baraha bulshada dareenkeeda ku muujisay atirishada Parineeti Chopra oo ay isla jileen filimkii Jabriya Jodi ayadoo tiri “Mohit wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu wanaagsanaa ee aan la shaqeeyay, wuxuu ahaa qof farxad badan, wanaag badan sidoo kalena ku dhiiri galinaayo xili walbo. Waan ku jeclahay Mohit. Si nabad ah dhinaaca dhulka haloo dhigo.”

Mohit Baghel filimkiisa ugu dambeeyay ee uu duubay waa Baunty Aur Babli 2 ee shirkada Yash Rah Films iska leedahay waxaana hogaamiyaal ka ah Siddhant Chaturvedi, Sharvari, Rani Mukerji and Saif Ali Khan ayadoo ay ka dhigan tahay in filimkan uu noqon doono midka ugu dambeeyay Mohit lagu daawan doono marka tiyaatarada la saaro oo xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here