Shactiroolaha caanka ah Sunil Grover ayaa ciwaano baraha bulshada ka sameenayo madaama uu heesto firaaqo ku filan xili guryaha lagu jiro wuxuuna Sunil sameeyay inuu taageerayaashiisa la wadaagay sawirka Katrina Kaif oo uu gacantiisa ku sameeyay farshaxan ahaan balse sidii uu doonayay wax walbo ma aysan noqonin.

Sunil Grover wuxuu yiri “Waxaan ku jirnaa guryaha waa qasab inaan is mada daalino ama xirfadaheena kale banaanka soo dhigno sidaa darteed ila eega sawirka Katrina Kaif ee asalka ah iyo midk aan aniga gacanteyda ku sameeyay, soo ma ihi farshaxamiiste qatar ah ileen Katrina waan keenay balse waxbaa iga qaldan ee hala ii cudur daaro madaama aan dadaalay.”

Sunil Grover dad badan ayaa la fal galeen waxaana muuqato inuusan soo dhaweynin muuqaal ahaan Katrina Kaif oo sawirkiisa gacan ku sameeska ah iyo midka asalka ah ee Katrina Kaif kaaf iyo kala dheeri yihiin. Balse ujeedkiisa wuxuu ahaa inuu hadal heyn abuuro shactiroolahan kaftanka badan.

Katrina iyo Sunil Grover waa saaxiibo isla kaftamaan waxayna sanadkii hore wada sameeyeen filimkii Bharat ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa wuxuuna Sunil filimkan ku matalaayay Salman saaxiibkiis aad ugu dhow doorkiisii caawiyana siweyn ayaa looga helay shactirada iyo dareenka qiirada badan sida uu u matalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here