Shactiroole Vadivelu oo markale baxar ku jira kadib markii toogtaana uu dacwad u heysto soo saare RK oo lacago magdhow u heysto.

0
1010

Shactiroolaha caanka ah ee Vadivelu kaasoo horay looga ganaaxay filimada Tamilka kadib markii uu faraha la galay howlo siyaasadeed isla markaasna ku hadlay hadalo been abuur ah ayadoo waliba la joogo madal siyaasadeed taasoo keentay in gabi ahaanba laga mamnuuco shirkada aflaamta Tamil Nadu.

Jilaagaan oo in mudo ah fanka ka maqnaa ayaa doonay dhawaan inuu dib ugu soo laabto fanka balse toogtaana mashaqo kale ayuu dhexda ka galay kadib markii uu ganacsadaha ahna filim qarashgareeye Radha Krishna (RK) uu dacwad kusoo oogay shactiroolahaan asigoona ka doonayo lacago dhan 6 crore oo ahn lacago aad u badan.

Filim qarashgareeyahaan ayaa ku dooday in shactiroole Vadivelu uu kula heshiiyay inuu filim u jilo misna siin doono 1 crore balse uusan soo xaadirin waqtigii loogu talo galay taasoo keentay in qarash gareeyahaan qasaaro ku dhaco wuxuuna haatan doonayaa magdhow 6 crore ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here