shah rukh khan iyo saif ali khan waa labo aktarka oo saaxiibo ah waxaana dhawr jeer la arkay iyagoo isku amaanaayo saxaafada horteeda

sidoo kale labadan aktar waxaa lagu tiriyaa liiska aktarada ku xeel-dheer saamaynta aflaamta jaceylka ama romance-ga maadaama aflaamtooda uu u badan yahay aflaamo jaceyl

laakiin waxaa dhawaan soo baxday arrin weyn oo naga qarsoonayd ka dib markii saif ali khan uu ka qayb-galay showga uu marti-geliyo Neha Dhupia ee BFF

This image has an empty alt attribute; its file name is kal-ho-naa-ho-4.jpg

waxaana Saif ali khan halkaas uu ka cadeeyay inuu hadda ka hor aysoo wajahday cabsi taaso uu u sabab lahaa aktarka Shah Rukh Khan waaxana ay ahayd xilli uu duubaayay filimka kal ho naa ho kaaso la daawaday sanadkii 2003 waxaana jilaayaal ka ahaayeen Shah Rukh Khan , Saif Ali Khan , Preity zinta Iyo Jaya

Saif ali khan ayaa sheegay in Karan johar oo xiligaas ahaa soo saaraha filimkan uu ku qasbay iyadoo la buuxo goobta filimkan lagu duubaayo inuu isaga sameeyo qaabka jiliinka shabaho aktarka Shah Rukh Khan

saif ali khan ayaa sheegay inuu dareemay casbi maadaama uu sheegay inay aad ugu adkaatay inuu sameeyo qaabka uu wax u jilo aktarka Shah Rukh Khan

Saif ali khan oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “waan xasuusata xiligii aan duubaayay filimka Kal Ho Naa Ho waxaa igu abuurtay cabsi sababtoo waxaad xujo layga dhigay inan wax u jilo sida aktarka Shah Rukh Khan taaso nafsadeeda ku abuurtay cadaadis daran”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here